Norway oo been aan waxba jirin ku tilmaamtay warbixintii Guddiga QM
Dowladda Norway ayaa ku gacan seyrtay, been aan sal iyo raadna lahayn ku tilmaatay warbixin sanadeedka ay dhowaan soo saareen guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea.
Warbixin sanadeedka Guddiga Qaramada Midoobay ayaa qodobbo ka mid ah waxa lagu sheegay in kaalmada dalka Norway uu Soomaaliya u fidiyo ay ku saleysan tahay dano dhaqaale, taasoo ay Norway gebi ahaanba iska fogeysay.
Qoraal uu madaxa ergada dalka Norway u fadhida QM Mr. Knut Langeland u diray Golaha Ammanka ayaa waxa lagu caddeeyey in sheegashada guddiga QM ee la socodka xayiraadda hubka ay tahay mid xaqiiqada ka fog oo aan sal iyo raad toona lahayn.
"Aan idiin caddeyo in sheegashada guddigu ay gebi ahaanba tahay wax aan waxba ka jirin oo qalad ah in Norway ay Soomaaliya u caawineyso dano gaar ah oo ay ka leedahay awgood" ayaa ku qorneyd warqadda mas'uulka reer Norway,
Dalka Norway ayaa waxa uu ka mid yahay dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ee sida weyn u taageera dowladda federaalka Soomaaliya, ayadoo ay intaasi sii dheer tahay in Norway ay ku nool yihiin muwaadiniin reer Norway ah oo asak ahaan ka soo jeeda Soomaaliya kuwaasoo tiradooda lagu qiyaaso in ay kor dhaafeyso 25 kun oo qof iyo tiro intaas ka sii badan oo qaxooti Soomaaliyeed ah.
Add New Comment
|
|
|