Midowga Europe ayaa ugu baaqey madaxda Somalia inay fuliyaan
heshiisyada la xiriira soo afjaridda xiliga Kumeel gaarka.
Kulan ay wasiirada arrimaha diebedda ee wadamada Midowga Europe ayaa waxay
isku raaceen inaan la qabali karin in xiliga kumeel gaarnimada la kordhiyo.
Waxay sheegen in dib-udhacyada ay halis gelinayaan sharicyada hanaanka lagu
soo gaba-gabeynayo kumeel gaarnimada ee ka soo bilawdey heshiiskii Garowe.
Midowga Europe ayaa ugu baaqey odey-dhaqameedyada inay soo xulaan gudiiga
ansixin lahaa destuurka, iyo in sida ugu dhaqsiyada badan ay u kulmaan
guddigaasi.
Midowga Europe ayaa sidoo kale ku baaqaya in la fuliyo ballan qaadka ah in
dumarka hay'adaha dowladda laga siiyo boqolkiiba 30.