Tirada xildhibaannada barlamaanka soo socda oo la gaarsiiyey 275 mudane
Tirada Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee ay Soomaaliya yeelan doonto ayaa laga dhigay 275 mudane, kaddib markii ay sidaasi horey u soo jeediyeen Odayaasha Dahaqanka Soomaaliyeed ee ku shirsan magaalada Muqdisho.
Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Augustine Mahiga ayaa hadalkan kaga hor dhawaajiyey Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee ku shirsan magaalada Muqdisho.
Odayaasha oo aad ula dhacsan in tirada xildhibaannada la gaarsiiyey 275 mudane ayaa dhankooda arrintaasi sacab ku soo dhoweeyey.
Mr. Mahiga oo qudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa u jeediyay Odayaasha Dhaqanka ayaa sheegay in madaxda dowladda iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay isla garteen in la kordhiyo tirada mudanayaasha barlamaanka lana gaarsiiyo 275 mudane halkii uu horey qorshuhu u ahaa 225 mudane.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdiweli Maxamed Cali oo kulankan ka qaybgalay ayaa asaguna dhankiisa sheegay in loo baahneyn in uu mar dambe dib u dhac ku yimaado shirka lagu ansixinayo dastuurka iyo soo xulidda xildhibaannada ka midka noqon doona barlamaanka soo socda. Is qabqabsi iyo is fahmid waa ka jira shirka odayaasha owgii ayaa waxa maanta markii seddexaad uu dib u dhac ku yimid shirkii ergooyinka ansixinta dastuurka ee ka furmi lahaa magaalada Muqdisho, kaddib markii qaar ka mid ah odayaasha ay weli u suutoobi weysay inay soo gudbiyaan xubnaha uga midka noqon lahaa ergooyinka ansixinta dastuurka.
Add New Comment
|
|
|