Barlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xukuumadda cusub


Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta barlamaanka ee magaalada Muqdisho ku ansixiyey xukuumadda cusub ee uu dhowaantan soo dhisay ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Kulanka maanta ayaa waxa ka soo qaybgalay xildhibaano ay tiradoodu gaareyso 420 mudane, shirkuna wuxuu ku furmay si deggan, mana dhicin wax buuq ah, codqaadista kaddibna waxa ay natiijadu noqotay in 397 xildhibaan ay codka kalsoonida siiyeen xukuumadda, halka 21 mudane ay diideen, labana ay ka aamuseen.

Sidaas ayeyna ansax ku noqotay xukumadda cusub ee ra'iisul-wasaare Cabdiwali Gaas oo ay horyaalaan dhammeystirka howlihii ay billowday xukuumaddii ka horreysay ee ra'iisul-wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayadoona ay abaaraha dalka ka jira soo kordhiyeen culeyska.


Add New Comment