Mareykanka oo Kenya siinaya kaalmo mileteri


drone01.jpgDowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dalka Kenya siinayso siddeed diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano drones-ka si gacan loogaga siiyo dagaalka ay kula jiraan xoogagga Al-Shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Wargeys lagu magacaabo Wall Street Journal oo kasoo baxa waddanka Mareykanka oo soo xiganayey war ka soo wasaaradda gaashaandhigga  Mareykanka Pentagon, ayaa qorey in Kenya ay ka mid tahay dalal ku yaala Bariga Afrika oo kaalmo milateri oo lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab  ka heli doona Mareykanka.

Dalalka lagu xusey warbixinta ee kaalmadaasi milateri ka faaideysan doona waxaa ka mid ah Burundi, Djibouti iyo Uganda oo dhammaantood ay ciidamo ka tirsan nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ka joogaan dalka Soomaaliya ee ay dagaalladu halakeeyeen.

Diyaaradaha drones-ka ayaa kaalin weyn ka qaadan kara in lagu bartilmaameedsado goobo cayiman oo ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab, si markaas kaddib looga weeraro dhanka  cirka iyo dhulkaba.

Kaalmadan mileteri ee uu Mareykanku siinayo dalalka Afrikaanka ah ee ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan dalka Kenya ayaa ah mid sare u qaadeysa awooddooda mileteri ee ay kula dagaalamayaan xoogagga ka dagaalama gudaha Soomaaliya.

Add New Comment