Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa
shacbiga Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan
ayadoo dhanka kalena uu Madaxweynaha shacabka u diray fariin ku aadan bisha
barakeysan.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo fariintiisa bisha Ramadaan shacabka
uga diray caawa Warbaahinta Qaranka caawa waxaana uu ugu horeyn tilmaamay in
shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaanba shucuubta muslimiinta uu u dirayo
hambalyo fadliga bisha barakeysan ee Ramdaan aawgeed.
“waxaan leeyahay umadda Soomaaliyeed iyo umadda muslimiinta ah meelkasta oo
ay joogaan kulu caamin waa antum bi kheyr bisha Ramadaan ee barakeysan ayaa
noosoo gashay waxaa la xaqiijiyey Soomaaliya bishii in laga arkay magaalooyinka
Muqdisho, Burco iyo meelo kaleba,dad lagu kalsoonyahay ayaana soo sheegay insha
allah burrito waa soon oo caawa waxaa noo bilowday Soon, waana bil barakeysan oo
Alle loogu dhowaado” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Madaxweyne Sheekh Shariif
Sheekh Axmed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo sii wata hadalkiisa ku aadan qiimaha ay bishan
leedahay ayaa yiri” waxaan rajeynayaa in shacbiga Soomaaliyeed meel kastoo ay
joogaanba aysan dayacin fursadaan waayo dad badan waxey isku mashquuliyaan
habeenkii waxyaabo maalaa yacni ah oo ay ciyaaraan ama waxaan micno laheyn oo
aay kusoo jeedaan marka waxaan leeyahay bishaan waa bil fadli badan, waa bil
mudan inaan ka faa’ideysano waayo qofkii bishaan ay soo marto oo aan ka
faa’ideysan waxaa ku dhacaya qasaaro weyn marka waxaan isku dardaarmeynaa inaan
ka faa’ideeysanno”
Sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbaddiisa uu ugu
talagalay bisha Ramadaan kusoo hadal qaaday dadka masoomeyaasha ah waxaana uu
yiri”dad badan waxaa dhacda maalintii ineysan soomin oo qaarkood ay maqaayado
furan,qaar ay munkar farabadan la yimaadaan waxyaabahaasi oo dhanna waa waxyaabo
uu Alle Subxaanahu Watacaalaa qofka muslimka ah ka xarimay,qof walbana waxaa
laga rabaa inuu xasuusnaado aakhiradiisa cidii ku kacdana kama yeeli doonno”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo
sii watay hadalkiisa uu ku faah faahinayey qiimaha bisha Ramadaan ayaa markale
yiri”bishaan waxaa ku jirta habeen Alle Subxaanuhu Watacaalaa uu ku tilmaamay
habeen ka kheyr badan kun habeen ayadoo qiimahaas uu ku jiro ayaa lagayaabaa in
dad badan ay ku dhameeyaan hurdo marka bishaan waa shahrul Camal,Shahrul
Cibaada, Shahrul Qur’aan waxaa lagarabaa inaan in laga faa’ideysto waayo waa
fursan qofka Muslimka ah soo marta sanadkiiba hal jeer marka Insha Allah aan
kawada faa’ideysano”
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayey isbedellada sanadkan ay
shacabka Soomaaliyeed ku soomayaan waxa uu Alle uga baryey in hormarka iyo
Nabadda u bilaabatay uu u kordhiyo waxaana uu yiri”maadaama ay tahay bishaan
bil barakeysan Alle Subxaanahu Watacaalaa waxaan ka baryeeynaa nabadda,horumarka
iyo dowladnimada inoo bilaabatay iney noo xoogeystaan,is jaceylka Umadda
Soomaaliyeed iyo midnimadeeda ay hirgalaan, qof kasta oo Soomaaliyeedna dhibka
inuu ilaah ka qabto,umadda Soomaaliyeedna Umad is taageerta uu ilaah ka
dhigo”
Dhanka kale Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda
ayaa shacbiga ugu baaqay iney is kaalmeeyaan dhexdoodaa oo ay is gargaaraan
maadaama weli ay muuqato raadadkii laga dhaxlay dagaallada iyo abaartii lasoo
maray,dowladduna inta karaankeeda ah aysan shacabka waxba ka hagran doonin.
“waxaan fareynaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta walaalahooda aan wax heysan
iney wax siiyaan oo ay gargaaraan,dowladdu waxey qaaday isku dayo badan safarkii
ugu dambeeyey ee aan hada galay waxaan is aragnay dowladihii Soomaaliya garab
qabtay oo ay Dowladda Turkiga ka mid tahay oo aan kala hadalnay dadku iney weli
dhibaatadii heysato bishii Ramadaanna ay soo galeyso marka waxaan rajeyneynaa
iney dowladdo badan oo Dowladda Khaliijka oo ah Dowlad qani ah ay ka mid tahay
iney shacabka Soomaaliyeed soo gar gaaraan,shacabkuna is garab qabto” ayuu
hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed
ayaa Shacabka Soomaaliyeed Alle uga baryey in sanadkaan sanadkiisa uu ku
gaarsiiyo nabad,barwaaqo,hormar iyo in Alle uu cibaadadooda ka aqbalo.