Shirka Wadamada ku mideysan kooxda xiriirka Caalamiga ah ee ICG oo looga
hadlayo Xaaladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Rome ee
dalka Talyaaniga iyadoo ay kulankaasi ka qeybgaleen Mas’uuliyiin ka tirsan
Dowladda KMG ah.
Shirka oo ah mid si heer sare ah loo soo qabanqaabiyay ayaa waxaa marti
gelinaysa dowladda Talyaaniga iyadoo kulankaasina ay ka qeybgalayaan madax iyo
Wakiillo ka socda Dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya.
Kulanka ay waxaa dowladda Fedraalka KMG ah ee Soomaaliya uga qeyb galaya
R/wasaaraha xukuumadda C/weli Maxamed Cali Gaas, Afheyeenka Baarlamanka
Shariif Xasan, wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise iyo Mas’uuliyiin
kale.
Wasiirka Difaaca dalka Mudane Xuseen Carab Ciise oo u waramayay Radio
Muqdisho ayaa sheegay in inta uu socdo kulan ay mas’uuliyiinta ka socoto
dowladda ay warbixin ka siinayaan madaxda ka kasocta wadamada daneeya arrimaha
Soomaaliya gaar ahaan horumarrada laga gaaray dhinacyada amniga ,siyaasadda iyo
qorsheyaasha lagu horumarinayo guud ahaan dalka.