Wasiiru dowlaha golaha wasiirada dalka Kuweyt Cali Al-Raashidi ayaa sheegay
in golha wasiirada dalkeesa ay go’aansadeen in ay Soomaaliya ugu deeqaan
kaalmooyin qiima ahaan gaaraya Toban Milyan oo doollar, si wax loogu qabto dadka
ay baaruhu saameeyeen.
Al-raashidi waxa uu warbaahinta u sheegay amarkaan uu ka yimid boqorka Kuweyt
Al-sheek Sabaax Al-Axmed, isla markaana ay deeqdan qeyb ka tahay kaalmada ay
dowladda Kuweyt siiso wadamada ay musiibooyinka ku dhacaan, shacabka
Soomaaliyeedna uu yahay shacab ay walaalo yihiin, sidaa darteedna ay waajib
tahay in Kuwey ay ka xanuunsato dhibaatooyinka ku dhacaya.
Wasiirka ayaa waxa uu intaas ku daray in gaarsiinta kaalmooyinkan ay iska
kaashan doonaan Wasaaradda arrimaha dibadda, Jamciyadda bisha cas ee Kuwayt iyo
Guddiga shacbiga ah ee uruurinta tabarucaadka.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kuweyt Cabdulqaadir Amiin Sheekh oo la kulmay
qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa uga mahadceliyay sida ay
walaalahooda soomaaliyeed u xusuusteen, waxa uuna si gaar ah ugu mahadceliyay
Jamciyadda bisha cas Kuweyt oo sida uu sheegay dadaal dheeraad ah muujisay.
Dalka Kuweyt waxa uu noqonayaa dalkii sadexaad ee Carab ah iyo Islaam ah oo
gargaar ku deeqo, sidii ay abaarahu ugu soo labo kac leeyeen wadanka, kadib
Qadar oo dhowaan magaalada Muqdisho soo gaarsiisay gargaar loo qeybiyay dad
barakacayaal ah, iyo wadanka Isu tagga Imaaraadka Carabta oo dhowaan dowladda
deeq ugu dhiibay barakacayaasha, waxaana ay billow fiican u tahay deeqo laga
filayo wadamda carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay.