Madaxweynaha Galmudug State oo qalliin wadnaha ah lagu sameeyey
Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug mudane Maxamed Axmed Caalin ayaa lagu soo warramayaa in qaliin wadnaha ah loogu sameeyey cusbitaal ku yaalla magaalada Nairobe ee dalka Kenya, kaddib markii beryahan dambe aad loo hadal hayey inuu xanuunsanayo.
Mr. Bile Diini oo xubin ka ah maamulka Galmudug State oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in mudane Caalin lagu sameeyey qaliin dhinaca wadnaha ah, kaasoo sida uu yiri lagu guuleystay, haatanna xaaladdiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay.
Mudane Maxamed Axmed Caalin ayaa ka mid ah saxiixayaasha lixda ah ee qorshaha lagu magacaabo Qariidada Nabadda (Roadmap) ee arrimaha Soomaaliya, wuxuuna beryahan dambe marka laga soo billaabo shirkii madaxweyne Sheekh Shariif iyo madaxweyne Siilaanyo ku yeesheen magaalada Dubai oo uu ka qaybgalay la il-darnaa xanuunkaa ka asiibay dhinaca wadnaha. Mr. Caalin waxaan Allaah uga baryeynaa caafimaad taam ah.
Add New Comment
|
|
|