Sanduuqa Samafalka Hormuud oo deeq u qaybisay caruur agoon ah


Sanduuqa Samafalka shirkadda Hormuud Telecom (Hormuud Telecom Foundation) ayaa  deeq lacageed oo gaaraysa 100 kun oo doollar u qeybisay caruur agoon ah oo ku nool xeryaha lagu xannaaneeyo agoonta ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan oo ahayd lacag caddaan ah ayaa loo qeybiyay kun qoys, iyadoo midkiiba la siiyay boqol doollar, sida uu warbaahinta u sheegay Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah guddoomiyaha Sanduuqa Samafalka ee Hormuud Foundation.

Guddoomiyaha ayaa maamuleyaasha xerooyinka uga mahadceliyay isku keenidda soo diyaarinta qoysaska agoonta ah ee deeqda la guddoonsiiyay, lacagta ayaa la sheegay inay qoysaska oo sabool ah uga faa’ideysan doonaan bisha barakeysan ee Ramadaan iyo maalmaha ciidda ee ka dambeeya.


Add New Comment