Shirkan jaraa’id oo uu maanta muqdisho ugu qabtay saxaafada afhayeenka ciidamada AMISOM ee hawlgalka u jooga dalka soomaaliya Col Cali Aadan Xaamud ayaa uga horeyn waxa uu kaga warbixiyay hawlgalada ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ay ka wadaan guud ahaan deegaanada ay ka howlgalaan.
Col Cali Aadan Ayaa sheegay in Ammaanka deegaanada ay ku suganyihiin uu soo wanagsanaanayo,isagoo dhinaca kalana sheegay in markii ciidamada Ethobiya ay bilaabeen in ay ka baxaan gobolka Bay ay durbadiiba Buuxiyeen goobihii ay banneeyeen.
Sidoo kale afhayeynka ayaa ka hadlay isku dayada kooxda argagixisada ee Al-shabaab ay ku doonayaan inay ammaanka ku carqaladeeyaan inta lagu gudajiro bisha barakeysan ee Ramadaan,isagoo dhinaca kalana uga mahadnaqay dadweyna dagmada Yaaqshiid sida ay isaga caabiyeen kooxihii ka dambeyay dil shalay galab dagmadaasi loogu geystay mid ka mid ah ku xigeenada Maamulka Dagmadaasi.
Gabagabadii ayaa afhayeenka AMISOM waxa uu fariin u diray dadweynaha Soomaaliyeed taas oo la xiriirta in dhamaan loo guntado sidii loo raadin lahaa xasilinta magaalada ayna ku xirantahay isku duubnada dadka reer muqdisho.
Si kastaba ciidamda AMISOM ayaa howlo badan oo dhinaca amaanka ka ah ka wada gobolo badan oo ka mid ah dalka soomaaliya,kuwaa oo laga saaray maleeshiyaadka Argagixisada ah ee al shabab,iyadoo sidoo kalana ay jiraan ciidamo boolis ah oo AMISOM ka socda kuwaa oo ka howlgala Magalada Muqdisho.