Ururuka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si adag u cambaareeyey dhaawaca shalay loo geystay labo ka mid ah weriyaasha ka howlgala magaalada Kismaayo ee xarnta gobolka Jubbada Hoose.
Mascuud Cabdullahi Aadan iyo Maxamed Faarax Sahal oo u kala shaqeeya Radio Dalsan iyo Radio Goobjoog oo fadhiggoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa dhaawacyo soo gaareen, markii gaarigii ay saarnaayeen rasaas ay la beegsadeen ciidamada amniga ee magaalada Kismaayo.
Suxufiyiinta ayaa la sheegay in xilligaasi ay ku sii jeedeen goobtii shalay qaraxa miino lagula beegsaday ciidamada AMISOM, si ay halkaasi warar uga soo tabiyaan.
Askari ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland ayaa la sheegay in gaariga ay saarnaayeen suxufiyiintan uu rasaas ku furay, iyadoo aan la ogeyn sababta arrintaasi ka dambeysa.
Dhakhaatiirta magaalada Kismaayo ayaa ku guuleystay in ay xabbadihii ku dhacay ka soo saaraan wariye Maxamed Faarax Sahal, balse waxaa laga dayrinayaa xaaladda Mascuud Cabdullahi Aadan oo u shaqeeya Radio Dalsan, maadama ay xabadda uga dhacday lafdhabarta.