Shirkii madaxda Afrika uga socday magaalada Addis Ababa oo lasoo gebagebeeyey


Shirkii madaxda Afrika uga socday xarunta Ururka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ayaa maanta la soo gbagebeeyay, kaddib markii uu socday muddo 2 maalmood ah ayna ka soo qaybgaleen inta badan madaxda dalalka qaaradda Afrika iyo marti kale.

Shir-madaxeedkan ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahayd xaaladda Soomaaliya ayaa waxa Soomaaliya uga qaybgalay wafdi uu hoggaaminayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay kulamo gooni gooni ah la yeesheen madax fara badan oo ka kala socday qaaradda Afrika iyo qaar kale oo ka tirsanaa ergooyinka beesha caalamka uga wakiilka ahaa shirmadaxeedka Addis.

Waxaa shirmadaxeedkan ay hoggaamiyeyaasha Afrika ku doorteen hoggaanka sare ee Midowga Afrika, oo loo magacaabay haweeneyda Nkosazana Dlamini-Zuma oo u dhalatay waddanka Koonfur Afrika, ayadoona beddeli doonta mas'uulkii hore Mr. Jean Ping.

SUMMIT1.jpg



Add New Comment