Qarax sababay Dhimashada Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Xukuumaddii
hore ee ra'iisul-wasaare Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) isla markaasna ahaa xildhibaan ka tirsan barlamaanka Soomaaliya marxuum Maxamuud Cabdi Ibraahim “Garweyne” ayaa maanta ka dhacay meel ku dhow Bacadlaha Xamarweyne, iyadoona ay isla qaraxaasi ku dhaawacmeen shan qofood oo rayid ah.
Gaariga Xildhibaan “Garweyne” ayaa lagu soo xiray waxyaabaha qarxa iyadoo
dhimashadiisana ay shaaciyeen Saraakiisha Booliska Soomaaliya waxaana sidoo kale
la ogeyn cidda ku lug leh falkaasi.
Ciidamada ayaa baaritaanno ka sameeyay deegaannada ku xeeran goobta uu qaraxu
ka dhacay waxaana muddo kooban hakad la geliyay isu socodkii dadka iyo
gaadiidka.
Maxamuud Garweyne ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii dalka soo
maray mudadii uu xukunka hayay Madaxweyne Shariif waxa uuna soo noqday Wasiirkii
Arrimaha Bani’aadanninimada, Wasiirkii Caafimaadka, ku simihii Wasiirkii Hidaha
iyo Tacliinta sare isagoo haatan ahaa mudane ka tirsan Baarlamanka
Soomaaliya.