Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Ethiopia


Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

  Wasiirka ayaa intii uusan ka duulin garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu magaalada Addis Ababa kula kulmi doono mas'uuliyiin ka tirsan dalkaas oo uu kala hadli doono xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xusay inta uu ku suganyahay dalka Ethiopia uu kulan la yeelan doono dhigiisa dalkaasi iyagoo ka wada hadli doona sugidda amaanka gobalka iyo sidii loo sii wadi lahaa la dagaalanka ay ugaga soo horjeedaan ururka Al-shabaab.

Booqashada wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya  ee dalka Ethiopia ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli ay maalin ka hor ciidamada Ethiopia banneeyeen goobihii ay uga sugnaayeen xarunta gobolka Bay ee magaalada Bayhabo.

Add New Comment