Kullankaani oo ay leeyihiin Madaxda Ururka Midowga Afrika ayaa maanta waxa uu si
toos ah kaga furmay Magaalada Addis’ Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia halkaasi oo
ay xaadir ku yihiin inta badan Madaxda Dowladaha Afrika.
Kullanka ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo
dhowr ah sida Iskaashi Dowladaha Afrika ay ka sameeyaan dhibaatooyinka ka taagan
dalalka qaar ee dhaca Afrika, sida is qab qabsiga labada Sudan, taageeridda
howlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo muranno ka jira biyaha Wabiga-Niil
ee mara qaar ka tirsan Wadamada dhaca Afrika.
Shirka ayaa waxa ka qeyb galay muddo 7-sano
kaddib markii ugu horeysay Madaxweyne uu leeyahay dalka Masar Max’ed Mursi kaasi
oo la filayo in uu kullamo la qaato shirka kaddib Madaxweynaha Dowladda KMG
Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Lama shaacin xilliga uu soo gaba gaboobayo
shirka, hase ahaatee markii uu soo gaba gaboobo ayaa la filayaa inay kasoo
baxaan qodobo iyo go’aanno la xiriira ajandooyinka looga hadlay shirkaasi.