Dowladda Soomaaliya oo amartay in la isticmaalo passport-ka cusub


Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu dhaqan galayo isticmaalka passprt-ka cusub ee loo yaqaan (e-passport), hadda kaddibna aan la oggalaan doonin isticmaalka passport-kii hore, aananna dalka looga dhoofi karin.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo warbaahinta ugu warramayay magaalada Muqdisho in ay dowladdu soo gaareen codsiyo uga yimid dalalka caalamka oo lagu dalbanayey in Soomaaliya ay isticmaasho passport-ka cusub ee (E-passport), lana mamnuuco passport-kii hore.

"Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanaynaa in saddexda bilood iyo barka ka harsan xilliga xajka ay dadku qaataan baasaboorka cusub ee E-passport, oo ay ku wareejistaan ciqaamooyinka ay leeyihiin iyo sharciyada kale ee baasaboorkii hore ay ku qaateen," ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Soomaalida dibadaha ee doonaya inay baasaboorka cusub qaataan ay la xiriiri karaan safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay dalalka ay joogaan, kuwa gudaha ku suganna ay xarumaha baasaboorrada la xiriiraan.

20-kii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya ma lahayn passport laga aqoonsan yahay dalalka dunida intooda badan, inkastoo ay jireen dalal dhowr ah oo dadka Soomaaliyeed u oggolaa inay isticmaalaan passport-koodii hore, maadaama aysan xilligaasi jirin wax lagu beddelo, waxayse Dowladda KMG ee Soomaaliya oo ayadu ah mid caalamka laga aqoonsan yahay soo saartay passport cusub oo elektroonik ah, si loogaga gudbo isticmaalka passportkii hore oo noqday mid suuqyada adduunka si sahlan loogaga heli karo, ciddii doontaana ay iska qaadan karto xitaa haddii aysan Soomaali ahayn.


Add New Comment