Guddoomiye Tarzan oo ka warbixiyey wax-qabadka maamulkiisa


Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa sheegay in intii uu haayey maamulka gobolka Banaadir uu wax weyn ka qabtay ammaanka iyo dayactirka waddooyinka qaar ee mara degmooyinka ay dowladdu gacanta ku heyso.

"Halkii sano ee aan xilka haynay waxaan wax ka qabannay ammaanka innagoo ku guuleysannay in shaqaalaha dowladda iyo xildhibaannadu ay dagaan xaafadaha, halkii markii hore aysan ammaan ahaan isku halleyn karin inay xitaa guryahooda tagaan," ayuu yiri Tarsan.

Sidoo kale, duqa magaalada Muqdisho wuxuu sheegay inay ka hortageen oo ay joojiyeen falal ammaan-xumo oo uu sheegay inay Xarrakatul Shabaab ka geysan jirtay degmooyinka ay dowladdu kaga sugan tahay Muqdisho.

"Muddadii aan xilka hayay waxaan dayctir ku sameeyay waddooyinka dhowr ah oo ay ka mid yihiin Maka Al-Mukarama iyo jidka isku xira garoonka iyo KM-4, welina howlaha dayactirku waa socdaan," ayuu yiri hadalkiisa raaciyay.

Mar la weydiiyay su'aal ahayd in howlo intaas ka badan ay qaban kareen - ayaa wuxuu sheegay in hal sano aan lagu dhisi karin dalka oo dhan. Waxaana hadalkiisan uu imaanayaa xilli ay jiraan eedeymo ka dhan ah oo sheegaya in guddoomiyuhu uu lunsaday dhaqaale uu maamulka gobolku lahaa.




Add New Comment