Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta Muqdisho kula kulmay madaxda Dowladda


Wafdi uu hoggaaminayo ku-xigeenka ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Mr. Christian Manhal ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, lana kulmay madaxda Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxa safarkooda ku weheliyey ergooyin ka kala socda maamul-goboleedyada Soomaaliyeed ee Galmudug iyo Puntland, waxaana ujeeddada socdaalkoodani lagu sheegay inuu ku saabsan yahay shirka wada-tashiga arrimaha Soomaaliya ee dhowaanta lagu qaban doono magaalada Muqdisho, kaasoo Qaramada Midoobay ay qabanqaabineyso.

Shir jaraa'id oo ay labada dhinac ku qabteen magaalad Muqdisho ayaa waxa uu wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda KMG mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar sheegay in wafdiga Qaramada Midoobay iyo Dowladda KMG ay ka wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa qabsoomidda shirka wada tashiga

Mr. Christian Manhal ayaa dhiniciisa sheegay inay madaxda dowladda isla meel dhigeen wax badan oo ku saabsan arrimaha shirka, lana filaayo in shirkaasi uu guul ku dhammaan doono, ayna ka soo bixii doonaan qodobo muhiim u ah hanaanka nabadda Soomaaliya.

Shirkan oo ay qabanqaabadiisu leedahaya Qaramada Midoobay ayaa waxa aan weli si cad loo sheegin halka lagu qaban doono, inkastoo ay dowladdu dhowr jeer oo hore sheegtay in shirku uu ka dhici doono magaalada Muqdisho, hase ahaatee waxaa jira in dowlad-goboleedka Puntland ay xusul duub ugu jirto in shirka lagu qabto magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Add New Comment