Mas'uuliyiinta Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin ee Gobollada Dhexe ayaa ka hadlay dagaallada maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayey degaanka Dheg-tuur ee gobolka Mudug, kaasoo dhex marayey beelo walaalo ah oo wada dega gobollada Galguduud iyo Mudug.
Waaliga walaayada Galguduud ee Xarakatul Shabaab Sheekh Yuusuf Ciise (kabo ku-tukade) ayaa dagaallada soo noqnoqday ee halkaasi ka socda ku eedeeyey dowladda Ethiopia oo ayadu hubka iyo rasaasta ay ku dagaallamayaa soo siisa labada beelood.
''Maamulada Galmudug iyo Ximin Iyo Xeeb ayaa laftirkooda ah kuwo ku xeran
Mareykanka iyo Itoobiya, sidaa daraadeed ujeedada kaliya oo ay ka leedahay
dagaallka ayaa ah in uusan goballka xasilin si ay uga faa'ideysto colaada," ayuu
yiri waaligu.
Waaliga walaayada Galgaduud ee Xarakatul Shabaab ayaa waxa kale oo uu sheegay in dirirta halkaasi ka socota ay u saareen guddi dhexdhexaadiya labada beelood, wuxuuna beelaha uga digay inay ka horyimaadaan howlaha guddiga nabadeynta, wuxuuna ku cagajugleeyey in ciddii ka hortimaada nabadda meel looga soo wada jeesan doono.
Culimaa'udiinka Ahlu Sunnah wal Jamaaca ee gacanta ku haya inta badan gobolka Galguduud ayaa dhowaan waxa ay dagaallada halkaasi ka soconaya ku eedeeyeen Xarakatul Shabaab oo ay ku sheegeen inay ayagu yihiin kuwa ka dambeeya ee colaadda hurinaya.