Shariif Xasaan oo dalka ku soo laabtay
Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa ugu baaqay Dadweynaha Soomaaliyeed iyo Caalamka in ay si wadajir ah uga qeyb qaataan sidii loo dhameystiri lahaa geedi socodka nabadda dal
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay gacan ka geystaan ka gudbida marxaladda KMG ah si loo helo dowlad dhameystiran
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa faahfaahin ka bixiyay shirkii ICG ee ka dhacay Talyaaniga waxa uuna xusay in dhamaan mas’uuliyiintii ka qeyb gashay ay soo dhoweeyeen wax qabadka dowladda Soomaaliya gaar ahaan hormarada ay ka gaartay dhanka amaanka
Dhanka kale gudoomiyaha ayaa ku amaanay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM guulaha ay ka gaareen gobolada dalka.
Add New Comment
|
|
|