Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray bayaan qoraal ah oo wax badan lagaga sheegay abaaraha dalka ku habsaday iyo sida loo wejihi doono, bayaankuna wuxuu qornaa sidan :
______________________________________________________________________________________
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya
I. Hordhac
Soomaaliya waxa ku
habsatey abaar ba’an oo ay sabab u tahay roob la’aan muddo dheer iska daba timid
oo ay badi ku la’adeen xoolihii raacatadu ku tiirsanayd isla markaasna keenay in
waxsoosaarka beeraha uu aad hoos ugu dhaco taasoo xaaladda beeraleyda khatar
gelinaysa. Marka la eego xaalladda hadda jirta abaartan xun waxaa la oran karo
inay u dhigantaa tii dalka Soomaliya sida xanuunka badan u soo martay 1993.
Kumanaan kun oo qof ayaa guryahoodii ka barakacay iyagoo ahaa kuwii dhaqaaqi
karay, hasa yeeshee kumannaan kale oo awoodi waayey inay dhaqaaqaan ayaa ku
liita halkii ay joogeen, qarkana u saaran inay macluul u dhintaan.
Caruur fara badan ayaa ilaa hadda dhimatay, kuwa kalana waxay qarka u saaran
yihiin inay u le’edaan macluul iyo cudurro ka dhashay. Dhinaca kale abaartu
waxay ku soo beegantay xelligii ugu xumaa oo ah iyadoo nabadgelyo xumo ka jirto
qaybo ka mid ah dalka, taasoo baaba’isay awooddii isku tiirsanaanta iyo
iskaalmeynta dadka guud ahaan.
II. Baaxadda Abaarta
Abaaruhu waxay saameeyeen dhammaan dhulka Soomaaliyeed. Marka Gobolada
Waqooyiga iyo Bariga laga yaabo inay waxoogaa dhaamaan nabadda halkaas ka jirta
darteed, gobollada koonfureed siiba dhulka ay gacanta ku hayaan kooxaha
argagixisada ah sida Alshabaab aad bay xaaladoodu u liidataa. Waxaa lagu qiyaasi
karaa in uugu yaraan 70% shacabka Soomaaliyeed ay saameysey abaartu waayo,
dhamaan dadkii raacatada ahaa iyo kuwii beeralayda ahaaba way ku baahday
abaartu. Dawalddu waxay ku qiyaaseysaa in dad gaadhaya ilaa 7 malyuun oo abaartu
u saameysey si toos ah ama dadban ay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah.
Wararka gobollada ka imanaaya waxay xaqiijinayaan in xoolo badan dhinteen,
kuwo kalana laga rajo xun yahay siiba xoolaha nugulka ah. Sida uu ku warrammay
xafiiska xiriirka bani-aadaminimo ee qaramada midoobay ayaa toddobaadkii la soo
dhaafay ku tilmaamay in roob la’aanta labadii xilli ee la soo dhafay ay ka
dhalatay in xelligii ugu qallalnaa uu soo maro dalka tan iyo 1950, iyadoo waliba
hay’addaas ka deyrisay sannadka 2012.
Guddiga gurmadaka Abaaraha ee dawladdu magacowdey iyo Wasaaradda caafimaadku
wuxuu xaqiijiyey in ilaa hadda ay soo gaadheen magaalo madaxda qiyaas dhan
10,000 oo qoys oo aad xaaladoodu u liidato siiba caruurta iyo waayeelka.
Maalmahii la soo dhaafay waxaa magaalo madaxda soo gaadhayey qiyaasta in u
dhexeysa 250-300 oo qoys.
Xaaladda abaaraha waxaa sii xumeeyey dalka oo kala go’an oo ay adag tahay in
dadka wax loogu qabto goobaha ay ku sugan yihiin, iyo in xilligii ku haboonaa
loo gurmado dadka. Waxaa xaaladda aad u sii murgiyey xukunka naxiis darrada ah
ee Ururka Al-shebaab oo diiday in wax gargaar ah hore loo gaarsiiyo dadka
baaba’aya ee degen goobaha ay gacanta ku hayaan, taasoo keentay in hay’adihii
khayriga ahaa ka baxaan dalka.
III. Gargaarka loo baahan yahay
Gargaarka degdega loogu baahan yahay waxaa ugu horreeya:
1. Cunto: mid guud iyo mid gaar u ah caruurta iyo dadka nafaqada darrada u
liita (General Food and Supplementary Food)
2. Biyo
3. Caafimaad iyo beyad
caafimaad
4. Hoy ku meel gaadh ah (Temporary Shelter).
IV.
Sida ugu habboon ee gargaarka loo gaadhsiin karo dadka:
Gobolka banaadir waxaa loo qoondeeyey dhul balaadhan oo dadka liita lagu
xannaaneeyo, hay’adaha samafalkuna ka hawlgali karaan.
Goobollada kale waxaa gargaarka la soo marin karaan dalalka dariska ah sida
Kenya, Ethiopia iyo Jibouti. Xadka ballaadhan ee Soomaaliya la leedahya
gobolladaas waxay sahlaysaa in gobollo badan gurgmadka laga soo gaadhsiiyo
dhinaca xuduudaha. Maadama hore go’aan loogu gaadhay IGAD in dadka la
badbaadiyo, dawladaha darisku way soo dhaweynayaan gurmadka dhinacooda la soo
marinayo, dawladda ku meel gaadhka ah diyaar bay u tahay in gacan ka geysato
arrintaas.
V. Tallaabooyinkii Ilaa hadda la qaaday
1. Guddiga
Qaran:
Waxaa la abuurey guddi heer qaran ah oo qiimeyn degdeg ah ku
sameeya xaaladda abaarta, guddigaas oo ka kooban:
1. Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga
2. Wasiirka Wasaarada
Caafimaadka
3. Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
4. Wasiirka
Wasaarada Arrimaha Gudaha
5. Wasiirka Wasaarada Maaliyadda
6. Wasiirka
Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska
7. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,
Boostada iyo Isgaarsiinta.
2. Abuurista Xafiiska maamulka Abaaraha:
Waxaa la abuurey Xafiis gaar ah oo haga iskuna dubarida gurmadka abaaraha.
Xafiiskaas oo hoos tagaya Raisul wasaaraha waxaa awoodiisa lagu caddeeyey
dekreetada lagu abuurey.
3. Cunto Qaybin:
Waxaa la billaabay in cuntooyin degdeg ah loo qaybiyo dadka aadka u liita ee
magalada daafaheeda soo gaadhey. Cunta qaybinta waxaa barbar socda qiimeynta
xaaladda iyo tirakoobta dadka tabaalaysan.
4. Qoondeyn Dhul Degaan:
Waxa loo qoondeeyey dhul ballaadhan oo ku aadan aagga Jaziira oo ay si ku
meel gaadh ah u dagaan dadka soo bara kacay inta ay uga suuragalayso inay
dhulkoodi ku laabtaan. Xafiiska maamulka iyo Guddigu Abaaraha waxaa laga filayaa
inay ku diyaariyaan deegaankaas wixii loo baahnaa sida amniga, caafimaadka iyo
biyaha, hayadaha samafalkana la kaashaadaan baahir tirka dadka tabaaleysan.
5. Xisaabaad u gaar ah:
Waxaa Bankiga Dhexe looga furay Abaaraha xisaabaha soo socda oo tababarucaad
gude iyo dibad lagu soo shubi karo:
US Dollar Account # 750: Bankiga Dhexe
So. Shiling Account # 749: Bankiga
Dhexe
US Dollar Account # 8495 Dahabshiil
Iyadoo la og yahay dhaqaale yarida dawladda, haddana xaalladda ba’an darteed
Xukuumaddu ku deeqday lacag dhan $500,000 oo lagu shubay Xisaabta ee Bankiga
Dhexe si loogu billaabo hawlaha degdegga ah.
VI. Codsi loo
jeedinayo caalamka iyo shacabka Soomaliyeed.
Baaxadda Abbartan
leedahy waa mid aad uga qira weyn tabarta Soomaalida, saameyn xoog lehna ku
yeelyansa xaaladda guud es shacabka sida:
1. Macluul fara badan
2. Barakac aan xad lahyn
3. Cudurrada faafa oo
qarka loo saran yahay inay dillaacaan.
4. Magaalada muqdisho oo halis ugu
jirtaa inay gabto nolosha caadiga ah dadka faraha badan ee u soo qaxaya darteed
taasoo keentay in khidmadaha caafiaadka, biyaha, iyo nadaafadda guud ka badato
awoodda hadda jirta oo awlaba liidatay.
Codsi Guud:
Iyadoo la tixgelinayo baaxadda abaarta oo ah mid aad uga qiro weyn in
Soomaalidu kaligood wax ka qabtaan iyo xaaladda dalku ku sugan yahay ee kor lagu
soo tilmaamay, Xukuumadda Federalka ah ee KMG ah waxay ka codsanaysaa Caalamka
in loo soo gurmado shacabka halista ugu jira inay baaba’aan. Sidoo kale
Xukuumaddu waxay Shacabka Soomaaliyeed meel kastoy joogaanba ka codsanaynaa inay
u soo gurmadaan badbaainta walaahooda tabaalaysan.
Codsigan waxaa loo kala dirayaa:
Dhammaan hay’adaha
Qaramada Midoobay,
Dawladaha IGAD
Jaamaccada Carabta,
Ururada
Khayriga ah ee Wadamada islaamka,
Hay’adaha Samafalka ee Caalamka (INGOS),
Dawladaha Caalamka ee daneeya bini’adamnimda
Ummadda Soomaliyeed ee ku
kala nool gudaha iyo dibadda.
Malik Abdalla
Communication Director
Office of the Somali
President
Mogadishu, Somalia