Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo walaac ka muujiyey xaaladda caafimaad ee Muqdisho


Maaulka gobolka Banaadir oo aad uga walaacsan xaaladda nadaafad darro iyo mida caafimaad ee ka dhalan karta goobaha ay magaalada ka soo degeen dadka kasoo barakacay gobollada dalka ee ay abaartu saameysay ayaa waxa ay sheegeen in dadkaasi loo rari doono xeryo loogu talagalay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa mar uu saxaafadda la hadlayey sheegay in xaaladda ka jirta goobaha ay magaalada ka degeen dadka barakacayaasha ah ay tahay mid halis ah, ayna suurtagal tahay inay halkaasi ka dilaacaan cudurro faafa.

Guddoomiye Tarzan ayaa waxa uu intaasi raaciyey in dhowaan dadkaasi magaalada laga rari doono, lana geyn doono xeryo loogu talagalay si loogu quudiyo, loolana socdo xaaladdooda caafimaad, wuxuuna guddoomiyuhu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay arrintaasi gacan ka geystaan. 

Magaalada Muqdisho ayaa waxa beryahan qarqiyey mowjado dad ah oo ka soo barakacaya gobollada dalka, kuwaasi oo ay saameysay abaarta dabada dheeraatay ee ku habsatay guud ahaan dalka Soomaaliya iyo dalalka deriska la ahba.

Add New Comment