Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday dalka Talyaaniga oo uu hoggaaminayey wasiiru-dowlaha dalkaasi ee arrimaha dibedda Mr. Alfredo Mantica.
Madaxweynaha iyo wafdiga Talyaaniga ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii dowladda Talyaanigu ay gacan uga geysan lahayd musiibada bani'aadnimo ee sababeen abaaraha haatan ka taagan dalka Soomaaliya oo sida la sheegay ah tii ugu xumeyd ee dalka soo marta muddo 60 sano ah.
Wafdiga Talyaaniga oo ka koobnaa siddeed xubnood ayaa waxa ay sidoo kale xafiisyadooda ku booqdeen Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ra'sul-wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Intaa kaddib ayaa wafdiga Talyaanigu ay booqdeen xarunta wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya, halkaasoo ay saxaafadda kula wada hadleen wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar iyo wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda ee dalka Talyaaniga Sig. Alfredo Mantica.
Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in booqashada wafdiga dowladda Talyaanigu ay ahayd mid ay ku muujinayaan sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo inay aad u daneynayaan inay magaalada Muqdisho dib uga furtaan safaaraddi dalkaasi uu ku lahaan jiray Soomaaliya oo xirneyd in ka badan muddo 20 sano ah, mudane Oomaar ayaa intaa raaciyey in Talyaanigu uu Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan 1 milyan oo Euro oo wax lagaga qabanayo dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay abaaraha.
Sidoo kale wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxa uu xusay in dib u
furashada safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya ay muhiimad weyn u leedahay
shacbiga Soomaaliyeed maadaama ay wadamada caalamku aaminsanaayeen in Soomaaliya
ay safaaradahooda ka furan karaan.
Sig. Alfredo Mantica ayaa asagana dhankiisa sheegay in dalkiisu garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya, wuxuuna soo hadal qaaday in dalkiisu lacag dhan 2.5 milyan oo Euro ku bixin doono dib-udhiska cusbitaalka weyn ee Martini ee magaalada Muqdisho, sidoo kalena waxa uu carrabka ku dhuftay in safaaradda dowladda Talyaaniga si ku meel gaar ah looga furi doono agagaarka garoonka dayaaradaha Muqdisho.
Wafdigan Talyaaniga ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyey ee heerkiisa ah oo soo gaara magaalada Muqdishu, tan iyo markii dunidu u garatay in Soomaaliya ay ka jirto abaar daran oo sababtay xaalad bani'aadanimo oo lagu tilmaamay inay tahay mid halis gelin karta nolasha malaayiin Soomaali ah oo ku kala nool waddamada gobolka Geeska Afrika.