Maanta ayaa mar kale lagu wadaa in Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya ay mar kale ku kulmaan Xarunta Golaha shacbiga ee magaalada Muqdisho si ay uga doodaan heshiiskii magaalada Kampala ay kol hore ku kala saxiixdeen madaxweyne Sheekh Shariif iyo guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan.
Kulan ay maalinnimadii shalay isugu yimaadeen xildhibaannada ayna goobjoog ka ahaayeen 3-da mas'uul ee ugu sarreysa Dowladda KMG ayaa waxa uu ku soo dhammaaday buuq iyo sawaxan, kaasoo astaan u ahaa sida ay xildhibaannadu ugu kala duwanaayeen aragtidooda ku aaddan heshiiskii Kampala.
Kulanka la filayo inuu maanta qabsoomo ayaa waxa la filayaa in lagu ansixiyo qodobbadii uu ka koobnaa heshiiskii Kampala, waxaana suurtagal ah inay xildhibaannadu diidaan sharciyeeynta heshiiskaasi, taasoo haddii ay dhacdo mar kale caqabad ku noqon doonta dhammeystirka qodobbadii lagu soo heshiiyey.