Gudoomiyahha gobolka Banaadir ayaa ka codsaday shacabka reer Muqdisho in ay
gacan ka geeystaan qabsoomidda shirka lagu ansixinayo Dastuurka cusub ee
dalka.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ugu baaqay guddoomiyayaasha degmooyinka iyo
ganacsatada reer Muqdisho in ay martigeliyaan ergada ansixineysa qabyo qoraalka
Dastuurka maadama la waayay dhaqaalihii ay ballan qaadeen beesha caalamka.
Mudane Tarsan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Muqdisho lagu
dhisayo Jamhuuriyaddii Labaad ee Soomaaliya sidaasi darteedna ay lagama maarnaan
tahay in reer Muqdisho ay martigeliyaan ergada iyagoo isku duuban maamul, shacab
iyo ganacsatadaba si aan marmarsiiyo loogu helin dib u dhigista qabyo qoraalka
Dastuurka.
Sidoo kale Tarsan ayaa hootsa ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in wax
laga qabto ammaanka Muqdisho isagoo xusay in aan dad lagu martigelin karin meel
aan aheyn ammaan, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in maamulka G/banaadir oo
kaashanaya shacabka Muqdisho ay dhexda u xiranayaan oo ay martigelin doonaan
ergada ansixineysa Dastuurka muddo 15 maalmood ah.
Hadalka guddoomiyaha ayaa loo arkaa haddii uu hirghelo mid meesha ka saaraya
ku tiirsanaanta gacanta shisheeye isla markaana sare u qaadeysa sharafta. Iyo
waddaniyadda shacabka Muqdisho, oo iyagu nasiib u helay in ay ku noolaadaan
caasimadda oo ka mid ah astaamaha Qaranka.