Ra'iisul-wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu safar shaqo oo labo cisho qaatay ku gaaray magaalamadaxda dalka Kenya ee Nairobi.
Ra'iisul-wasaaraha ayaa sheegay in safarkiisu uu yimid kaddib markii wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Ingiriiska oo booqasho ku joogay dalka Kenya uu ka codsaday in ay ku kulmaan magaalada Nairobi si ay uga wada hadlaan xaaladda waddanka Soomaaliya.
Kaddib kulankii Dr. Cabdiwali iyo wasiirka arrimaha dibedda ee Ingiriiska Mr. William Hague waxa uu ra'iisul-wasaaruhu kulamo kale la yeeshay wakiillo ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo qaar ka mid ah danjirayaasha waddamada adduunka qaarkood u fadhiya dalka Kenya oo ay dhammaantood ka wada hadleen xaaladda ammaan iyo abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.
Ra'iisul-wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu magaalada Nairobi kula kulmay wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Augustine Mahiga oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan shirka wadatashiga ee dhowaantan lagu wado in lagu qabto magaalada Muqdisho.
Dr. Gaas ayaa waxa kale oo la sheegay in habeenimadii xalay uu magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. CabdiraxmaanSheekh Maxamed Faroole oo ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya.