Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ayaa sheegtay in ay si rasmi ah u aqoonsatay gooni-isu-taagga iyo madaxbanaanida Koonfurta Suudaan, kaddib markii malinnimadii shalay uu dagaalkaasi cusub u dabaaldegay, si rasmi ahna uga go'ay waddanka Suudaan intiisa kale.
Ictiraafka ay dowladda Soomaaliya ictiraaftay waddanka cusub ee Koonfurta Suudaan ayaa waxa ka dhawaajiyey wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta mudane Cabdikariim Xasan Jaamac oo la hadlayey idaacadda Radio Muqdisho, sheegayna in Soomaaliya ay mabda'iyan aqoonsatay madaxbanaanida dalkaasi.
Wasiirka ayaa waxa uu intaasi ku daray in arrintani ay ka dambeysay booqashadii ay madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigii uu hoggaaminayey ku tageen magaalada Jubba ee xarunta Koonfurta Suudaan, kagana qaybgaleen munaasabaddii madaxbanaanida dalkaasi.
Wasiirku waxa uu ka mid ahaa xubnihii madaxweyne Sheekh Shariif ku weheliyey safarkii uu ku tagay magaalada Jubba maalinnimadii shalay ayna kaga qaybgaleen dabaaldaggii xornimada waddankaasi.
Dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxa uu ka go'ay dalweynaha Suudaan, kaddib markii uu koonfurta iyo waqooyiga dhex maray dagaal socday ku dhowaad rubac qarni, kaasoo markii dambe ku soo dhammaaday heshiis ay labada dhinac ku gaareen in shacbiga koonfurta afti laga qaado, si loo ogaado waxa ay doonayaan, aftidaas kaddibna waxa ay reer koonfurta u codeeyeen inay ka go'aan Suudaan sidaas ayeyna ku timid in dalweynihii Suudaan uu ka abuurmo dal kale oo la magac baxay Koonfurta Suudaan.