Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Dalka Koonfur Afrika oo saaka Geeriyooday


Safiirkii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiyey dalka Koonfur Afrika danjire Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi ayaa saaka ku geeriyooday xarun caafimaad oo ku taalla magaala-madaxda dalkaasi ee Pretoria.

Warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in marxuumka uu labadii sano ee ugu dambeeyay uu ku soo biiray siyaasadda dalka, uuna noqday danjirihii ugu horreeyay ee Somalia u fariista dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka geeriyooday oo horraantii sannadkan loo magacaabay xilkan ayaa wuxuu dadaal badan u galay sidii xukuumadda Koonfur Afrika ay wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka isugu jira dhaca iyo dilalka ah ee lagu hayo Soomaalida dalkaas ku nool.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa warka ay soo saartay ku sheegtay in dajire Sayid Xasan uu ifka uga tagay caruur iyo xaas, iyadoo uu noqonayo danjirihii ugu horreeyay ee Soomaaliya oo ku geeriyooda Koonfur Afrika.


Add New Comment