Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo ummadda ugu hambalyeeye bisha Ramadaan


Madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan u diray guud ahaan ummadaha Islaamka, gaar ahaan ummadda muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha barlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ra'iisul-wasaaraha xukuumadda mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa si isku mid ah warbaahinta u mariyey ummadda Islaamka iyo shacabka Soomaaliyeed hambalyo ku aaddan bisha barakeysan ee  Ramadaan.

Madaxda Qaranka ayaa dhammaantood Allaah ka rajeeyey in guud ahaan ummadda Islaamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed uu waafajiyo kheyrka bishani ay leedahay, sidoo kalena ku duceeyey in uu Ilaahey nabad iyo xasilooni ku soo dabaallo dalka.

Madaxdu waxay si isku mid ah uga hadleen fadaa'isha ay muslimiinta u leedahay bishani, waxayna ummadda Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay is cafiyaan, isuna naxariistaan, kana faa'ideystaan kheyrka faraha badan ee ku jira bishan Ramadaan.


Add New Comment