Madaxweyne Shariif Oo Ka qeybgalay Munaasabad Loogu Dabaaldagayay 1-da luuliya


luglio1.jpgMadaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad balaaran oo lagu xusayay 1-da Luuliya taas oo lagu qabtay istaadiyom Koonis ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda dowladda federaalka KMG ah oo uu ugu horeeyo madaxweyne Shariif, kusimaha R/wasaaraha ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, C/wahaab Ugaas, Guddoomiyaha G/banaadir, Saraakiisha Ciidamada Booliiska, Militeriga, nabadsugida, barbaarta gaashaaman, shacab ka kala yimid 16ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo fanaaniinta kooxda Heegan.

Xaflada oo aheyd mid loogu dabaaldagayay 52 sano guuradii ka soo wareegtay israacii labada gobol oo ku asteysan 1-da luulyo taas oo ah maalintii Soomaaliya ay Xurnimadeeda ka qaadatay wadanka Taliyaaniga iyo Midowgii labada gobol ee waqooyiga iyo Koonfurta.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii uu gaaray garoonka kubbadda cagta ayaa waxaa uu socod kusoo maray garoonka isaga oo uu gacan haatinaayo Dhamaan shacabka Soomaaliyeed, ee ka qeyb galay xuska maalita xoriyadda, Madaxweynaha ayaa kadib salaam sharaf ka qaatay Saraakiisha Ciidanka, iyadoo ay ciidamada baambeyda ay garaaceen astaanta qaranka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlay furitaankii Munaasabada ayaa ummadda Soomaaliyeed uga hambalyey munaasabada 1-da Luuliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale hadal ka jeediyay munaasabada ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadiisa waxa uuna ALLE uga baryay in ay sanadkan sanadiisa kale ay ku gaaraan bashbash iyo barwaaqo.

Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada Soomaaliya si loo ambaqaado geedi socodka nabadda ee waqtigaan muuqdo, Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii xariga ka jaray xarunta qeybta Booliiska gobolka isagoona sidoo kale soo kormeeray xarunta taraafikada.

Munaasabada loogu dabaal degay 52 sano guuradii ka soo wareegtay markii Soomaaliya ka xoroowday gumeystihii Taliyaaniga iyo midowgii labada Gobol ayaa ahayd tii ugu balaarneyd ee ka dhacda wadanka Soomaaliya mudo ka badan labaatan sano ka taas oo ay isugu soo baxaan Kumaanan kun oo shacabka Soomaaliyeed ah kuwaas oo si farxad leh uga qeyb qaatay xuska maalinta 1-da Luuliya.


Add New Comment