Madaxda dowladda Soomaaliya oo la kulmay ergay QM u qaabilsan Soomaaliya


kulanQM.jpgMadaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maalinimadii shalay xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga.

Kulanka madaxweynaha iyo ergayga QM ayaa ahaa mid albaabada u xiran yihiin kaadoo ay labada mas'uul kaga wada hadleen xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ayadoona uu kulanka goobjoog ka ahaa ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Mr. Mahiga oo markii uu kulanku soo dhammaaday warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in laga wada hadlay sidii QM ay gacan uga geysan lahayd tababarro la siiyo dhallinyarada ka soo goosata ururka Al-Shabaab iyo sidii hay'adaha QM ay dib ugu soo noqon lahaayeen magaalada Muqdisho oo ay amaan darridii ka jirtay darteed uga carareen.

Waxa kale oo uu Augostine Mahiga sheegay in madaxda doowlada Soomaaliyaay ka wada hadleen sidii maamul loogu sameyn lahaa gobollada dalka ee ay dowladdu gacanta ku heyso iyo sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dadka Soomaaliyeed ee tirada badan ee dalkooda dib ugu soo laabanaya, kaddib markii ay qurbaha ku noolaayeen muddo aad u dheer, kuwaasoo ay soo jiidatay nabadda iyo xasiloonida ka soo bidhaameysa dalkooda.

Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa sanado badan ka maqnaa dalka Soomaaliya, ayagoo xarun ka dhigtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu hay'adaha uga baxo qarash fara badan oo ay ku bixiyaan kirada xafiisyadooda, hoteello iyo weliba kirada dayaaradaha ay ku safraan mararka ay soo booqanayaan dalka Soomaaliya.


Add New Comment