Kulankii Madaxda Midowga Afrika (AU) ay ku yeesheen magaalada Addis Abeba ee xarunta waddanka Ethiopia ayaa waxa ay isku raaceen in ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho loo kordhiyo muddada ay halkaas sii joogayaan 6 bilood.
Guddoomiyaha Midowga Afrika Jean P
ing oo ka hadlayey goobta uu kulankaasi ka dhacayey ee Xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Abeba ayaa sheegay in si buuxda laysugu raacay in ciidamada AMISOM sii joogaan gudaha Soomaaliya si ay gacan uga geystaan nabadeynta waddanka Soomaaliya.
Mr. Bing ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in beesha caalamka loogaga baahan yahay inay taageeraan dadaalka nabad-ilaalineed ee Midowga Afrika ka wado gudaha magaalada Muqdisho, si loo soo celiyo nabaddii iyo kala dambeyntii ka burburtay waddanka Soomaaliya.
Jean Bing ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay sugayaan ciidamo kale oo dheeri ah, oo ka kala iman doona waddamo kale oo Afrikaan ah, kuwaasoo qayb ka noqon doona ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, si loo soo dhammeystiro tiradii horey loogu ballamay ee ahayd 8-da kun ee askari.
Midowga Afrika ayaa waxa haatan magaalada Muqdisho ka jooga ciidamo ka kala socda waddamada Uganda iyo Burundi, kuwaasoo tiradoodu ay gaareyso ilaa iyo 5 kun oo askari oo ilaaliya dekedda, garoonka dayaaradaha, Madaxtooyada iyo waddooyinka isku xira goobahaas ay magaalada kaga sugan yihiin.