Xaflad casho sharaf ah oo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud u sameeyey xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada (Villa Somalia) ee magaalada Muqdisho.
Casho sharaftan ayuu madaxweynuhu ku maamuusay howlihii adkaa ee ay xildhibaannada barlamaanku soo qabteen muddadii afarta bil ahayd ee uu jiray barlamaanka cusub ee Soomaaliya iyo sidoo kale xiritaanka kal-fadigii koowaad ee mudanayaasha, ayadoo xildhibaannaduna ay haatan gelayaan fasax.
Xafladda ayaa waxa ka soo qeyb galay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka mudane Xasan
Sheekh Maxamuud, gudoomiyha Baarlamaanka mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari, R/wasaaraha
Xukuumada mudane Cabdi Faarax Shirdoon ‘’Saacid’’, mudanayaasha Baarlamaanka ee cashada
loogu talagalay iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada.
Cashada kadib waxaa la guda galay khudbadihii loogu talagalay kulanki xalay
waxaana ugu Horeynti ka hadlay qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka oo uga
mahadceliyay Madaxweynaha kulanka cashada iyo isku hambalyeynta howlihi la soo
qabtay oo uu u Sameeyay, iyagoo ka codsaday madaxda dalka in ay dib u eegaan
eheladi xildhibaanada u Geriyooday Qaranka Somalia kuwa ku dhaawacmayna ay wax u
qabtaan.
R/wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon
‘’Saacid’’ oo ka hadlay munaasabadi cashada ee xalay lagu qabtay xarunta
madaxtooyada Ayaa tilmaamay in wada shaqeynta ka dhaxeysa xukuumada iyo
baarlamaanka uu muujinayo Xiriir la isku haleyn karo oo wada jir ah inuu ka
dhaxeeyo hay’adaha dowlada waxa uuna Mudanyaasha baarlamaanka uga mahadceliyay
wada shaqeyntooda.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa
Sheegay in 20 Augosto marki la dhaariyay xildhibaanada ilaa bishaan Janayo ay
galayaan fasaxooda ay muujiyeen karti dheer ah horseedeen isbadal dhinac walba
ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomalaaiya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa
khudbadi u dambeysay ka jeediyay casuumaadi uu xalay u sameeyay mudanayaasha
Baarlamaanka Qaranka waxa uuna ku bogaadiyay howlihi ay soo qabteen iyo dalka
heerka Ay gaarsiiyeen waxa uuna ku baraarujiyay in dalka iyo dadkaba ay iyaga
sugayaan loona Baahanyahay in taariikhda ay meel wanaagsan ka gasho
dowladan.
Mudanayaasha Baarlamaanka dalka ayaa tan iyo marki la dhaariyay 20 Augosto
waxa ay Qabteen howlo badan oo muhiim ah kuwaasi oo ay ugu horeyso dhameystirka
dowlada Federal oo KMG aheyn oo uu mudo kadib dalka uu yeesho iyo fulinta arrimo
kale oo quseeya howlaha sharci dajinta wadanka waana baarlamaan wax badan ka
duwan Baarlamaanadi hore ee kumeelgaar ah ee wadanka soo maray.
Daawo sawirrada xafladdda.