Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ku kulmay Roma


wasiirrada.jpgRaiisul wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa shalay magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga kula kulantay dhigeeda Talyaaniga Mr. Giulio Terzi kaddib markii ay casuumaad rasmi ah ka heshay.

Kulanka labada Wasiir oo qaatay saacado dhowr ah ayaa waxa ay ku gorfeeyeen arimo ay ka mid tahay adkeynta xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga, iskaadhig dhinacyada horumarinta, sida nabadgalyada, waxbarashada, Beeraha, iyo sidii dib loogu soo celin lahaa mashaariicdii hore sida kaluumeysiga iyo hay’adihii kale ee labada dhinac.

Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Mr Giulio Terzi o okulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay booqashada Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Marwo Fowsiyo oo uu sheegay in ay daba joogto booqasho uu sanadkii hore ku tagay magaalada Muqdisho, waxa uuna ku celceliyey in dowladda talyaaniga ay ka go’antahay wada shaqeyn dhinac kasta ah oo ay la yeelato dowladda Federalka ah ee Soomaaliya .

Wasiirka Arimaha Dibadda ee jamhuuriyada Soomaaliya marwo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo iyadana halkaasi ka hadashay ayaa muujisay muhiimada ay leedahay iskaashi dhex mara Soomaaliya iyo talyaaniga maadaama dowladda Talyaaniga ay ka mid tahay dowladaha sida gaar ah u daneeyo Soomaaliya.

Marwo Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan waxa ay rajo wanaagsan ka muujisay ka miro dhalinta dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo go’aamadii ay isla gaareen iyada iyo wasiirka arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Mr. Giulio Terzi .

Kulanka labada Wasiir ayaa waxaa dhinaca Soomaaliya ku wehlinayey Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga iyo midowga Yurub ambasadoor Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arimaha dibada Maxamed Shariif Maxamuud, Ambasadoor C/rashiid Seet, iyo xubno kale.


Add New Comment