Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye nabaddoon Axmed Diiriye Cali oo aan beryahan dambe laga maqlin warbaahinta ayaa maanta sheegay inay wax laga xumaado tahay inay weli sii socoto dhibaatada ay ku jiraan shacabka reer Muqdisho.
Nabadoon Axmed Diiriye
Cali ayaa sheegay in ay nasiib daro ay tahay in kooxaha isku haaya siyaasadda Soomaaliya aysan
u dhega-nugleyn baaqyada nabadeed, kuwaasoo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo arxan daran oo naxariis laaweyaal ah.
Nabaddoon Axmed Diiriye ayaan si gaar ah farta ugu fiiqin koox ka mid ah kooxaha isku haya siyaasadda Soomaaliya, laakin nabaddoonka ayaa is weydiiyey sababta shacabka loo laynayo, asagoona hadalkiisa kusoo gebgabeeyey in xoogagga is haayaa qaar ka mid ah ay leeyihiin dano gaar ah.
Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa beryihii ugu dambeeyey ka gaabsaday inay ka hadlaan xaaladda adag ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kaddib markii in badan oo hore oo ay isku dayeen inay u kala dab qaadaan kooxaha is haya ay kuwa Dowladda kasoo horjeeda si cad u diideen.
xilligan
noqday kuwo afka juuqda gabay, kadib markii ay la kulmeen hanjabaadyo iyo
indhagaduudis uga yimid kooxaha ka soo horjeeda dowladda, kuwaasoo marar badan
diiday waan waan ay wadeen.