Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Ka Qeybgalay Xeritaanka Kalfadhiga Koobaad Ee Baarlamaanka


Kalfadhiga koobaad kulanka 46aad ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka ah ee soomalia oo ay maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa waxaa shir gudoominayay afhayeenka baarlamaanka waxaana soo xaadiray 153 mudane.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa soo bandhigida natiijada doorashooyinka gudiyada baarlamaanka, warbixin sanadeedka kalfadhiga koobaad iyo xiritaanka kulammada Baarlamaanka, furitaanka shirka ee gudoonka kadib ayuu mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari afhayeenka Baarlamaanka goobta ka aqriyay magacdyada gudomiyeyaasha gudiyada Baarlamaanka.

Qodobka labaad ee ajandahii Baarlamaanka oo ahaa warbixinta kalfadhiga koobaad ayaa laguda galay gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan ayaana kulanka ka jeediyay khudbad dheer oo uu uga hadlayay wax qabadkii Baarlamaanka mudada uu shaqeynayay.

Hadalka gudoonka Baarlamaanka kadib waxaa goobta soo gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud si uu mudanayaasha baarlamaanka ugala qeyb galo kulankoodi ugu dambeeyay waxa uuna madaxweynuhu ka jeediyay shirka maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysay isagoo ku guubaabiyay xildhibaannada qaranka in ay ka shaqeeyaan sidii ay usoo celin lahaayeen aaminaadda shacabka ay ku qabeen dowladooda xili walbana ay maanka ku hayaan in wadankan hormarkiisa ay gacanta ku hayaan golaha shacabka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo xiray kalfadhiga koobaad kulanka 46-aad ee Baarlamaanka waxa uuna fasaxa Baarlamaanku ku egyahay bisha 3aad ee maarso labadeeda xiligaas oo hadii alle ogolaado ay dib u bilaaban doonaan howshoodii qaran tan iyo markii 20kii agoosto la dhaariyay xildhibaanadana waxaa u suurta gashay in ay qabtaan howlo muhiim ah oo ay ugu horeysay dhisitaanka dowlad aan ku meel gaar aheyn.


Add New Comment