Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo xalay gaartay magaalada Roma ee Talyaaniga


Wafdi ay Hogaamineyso Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa xalay gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, ayadoo Wasiirka Ay kulammo la qaadan doonto Mas’uuliyiinta Dalka Talyaaniga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalkaasi ku nool.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ah R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha Dibada Soomaaliya oo safar shaqo ku mareysa wadamo ka mid ah qaaradda Yurub Ayaa lugteedii Labaad ku joogta dalka Talyaaniga.

Wasiirka arrimaha duibadda Marwo Fowsiyo ayaa waxaa magaalada Roma si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Talyaaniga, diplomaasiyiinta safaaradda iyo Jaaliyadda ku nool dalkaasi, iyadoo la filayo in ay kulamo la qaadato mas’uuliyiinta Talyaaniga iyo Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalkaasi.

Marwo Fowsiyo ayaa safar maalmo qaatay ku soo martay dalka Ingiriiska, iyadoo halkaasi kula soo kulantay dhiggeeda dalkaasi, iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.


Add New Comment