Wararka ka imaanaya Deegaanadii ay maalmihii dambe ku dagaalamayeen Ciidamada
dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya Ciidamada dowladda Ithopiya iyo dhanka
kale kuwa Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay ku waramayaan in xaaladdu saakay ay
tahay mid degan iyadoo deegaano hoostaga Magaalada Garbaahaareey ee Gobolka Gedo
oo lagu Magacaabo Mey Kooreebee oo ay shalay ku dagaalameen Ciidamada dowladda
iyo Kuwa Ithopiya oo isgarabsanaya iyo shabaabka ku sugan qaybo kamida Gobolka
Gedo
Sida dadka deegaanka ay uxaqiijiyen idaacadda
Shabelle waxaa halkaasi saaka laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyadoo
saacad kasto la filan karo dagaalo markale ka qarxa deegaanno hoostaga Degmada
Garbaahaarey ee Gobolka Gedo.
Barre Cabdi Barre oo ka mida Saraakiisha
Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee
Magaalada Muqdishoa ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay dagaaladii shalay ka
dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo isagoo shaaca ka qaaday in dagaaladaasi
ay ka dhasheen khasaaro isugu Jira dhimasho iyo dhaawac isagoona Carabka ku
dhuftay in dhankooda ay ka gaareeyoodeen labo askari dhinaca kalana Tilmaamay in
shabaab khasaaro ba’an ay ku gaarsiiyeen dagaaladii shalay.
Shalay ayey ahayd markii dagaalo Culus ay
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ithopiya oo isku dhinaca iyo Ururka Al
Shabaab ee ka soo horjeeda ay ka dheceen deegaano hoostaga Degmada Garbahaareey
ee Gobolka Gedo waxaana Saraakiisha Ciidanada dowladda ay ku goodiyeen in ay
cagta marin doonaan degmooyinka ay Al Shabaab ka maamulayaan Gobolka Gedo