Guddoonka Baarlamanka oo sheegay in Baarlamanku uu bilaabi doono la Xisaabtanka
xukuumada marka la soo dhameystiro dhismaha guddiyada Baarlamanka.
Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar Oo
la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in wixi ka dambeeya dhameystirka Gudiyada
joogtada ah ee Baarlamaanka uu bilaaban doono la xisaabtan buuxa oo dhex mara
xukuumada, hay’adaha kale ee dowlada iyo Baarlamaanka, waxa uuna farta ku
fiiqay gudoomiye ku xigeenku in gudoomiyaasha gudiyada inta uu fasaxa ku jiro
Baarlamaanka ay soo diyaarin doonaan qorshahooda si ay ugu howl galaan fasaxa
kadib.
Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha Shacabka ayaa tilmaamay in
baarlamanku uu mudnaanta siindoono la xisaabtanka hey’adaha dowlada waxa uuna
carabka ku adkeeyay in wada shaqeyn buuxda ay dhaxmari doonto maadaama uu
baarlamaanku yahay sharci dajinta xukuumaduna ay tahay hay’adi
fulinta.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa la filayaa in maanta uu ku dhawaaqo magacyada
Gudoomiyayaasha guddiyada Baarlamanka, iyadoo maantana uu soo xirmi doono
kalfadhiga Koowaad fasax Labo bil ah kadibna waxa ay baarlamaanku guda gali
doonaan howla hoodi Qaran ee loo igmaday.