Hoteel oo deggan yahay wasiirka amniga Puntland oo xalay la weeraray
Wasiirka amniga maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa xalay kooxo hubaysani ku weerareen hoteelka uu kaga sugan yahay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Kooxdan weerartay hoyga wasiirka ayaa waxa lagu soo warramayaa inay ku hubeysnaayeen qoryo fudud, waxayna rasaas ku asqeeyeen hotel Panaroma ee magaalada Boosaaso oo uu deggan yahay wasiirku, lamana garanayo ujeeddada weerarkoodaasi, waxaase weerarkooda rasaas kale kaga jawaabay ilaalada wasiirka.
Weli ma jirto cid sheegatay weerarka, sidoo kalena ma jiro mas'uul ka tirsan Puntland oo dhacdadaasi ka hadlay, hase ahaatee hadalheynta dadweynaha reer Boosaaso ayaa ah in kooxda weerarka soo qaadday ay ka tirsanaayeen xoogagga islaamiyiinta ah ee ku sugan buuraleyda Golis, kuwaasoo dhowr maalmood ka hor soo weeraray bar kontrool oo ay ciidamada Puntland ku lahaayeen duleedka Boosaaso.
Add New Comment
|
|
|