Taliyaha ciidamada XDS oo askarta dowladda uga digay kufsiga haweenka


Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa uga digay askarta ka tirsan ciidamada dowladda kufsiga gabdhaha Soomaaliyeed, isagoona intaa raaciyey in ciqaab adag la marsiindoono askarigii ku kaca falkaasi.

Taliyaha ciidamada XDS, S/Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo la hadlayay cutubyo Ka tirsan ciidamada XDS oo ku sugan gobolka Baay ayaa sheegay in kufsiga Gabdhaha uu yahay dambi weyn, isagoo tilmaamay in aan la aqbalidoonin in Askari ka tirsan ciidamada XDS uu kufsi u geysto gabar Soomaaliyeed.

Dhanka kale taliyaha ayaa uga digay ciidamada XDS kufsiga haweenka, wuxuuna Wacad ku maray in askarigii ku kaca fal kufsi ah la marsiindoono ciqaabta ay Xadeysay shareecada islaamka, isagoo kula dardaarmay ciidamada in ay ka Fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara sharafta ciidamada XDS.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaiya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore uga digay kufsiga haweenka Soomaaliyeed, isagoo Tilmaamay in dumarku uu yahay sharafteeena sidaasi darteedna u ciqaab adag Mudandoono ninkii kufsada gabar Soomaaliyeed.


Add New Comment