Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Nicholas Kay ayaa maanta dareen ka muujiyay xiisadaha isa-soo-taraysa ee ka jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaasoo ku saabsan shir looga hadlayo sameynta maamul-goboleed ku salaysan nidaamka federaaliga ah ee Soomaaliya.
“Waxaa muhiim ah in dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso muujiyaan deggenaasho, ayna waddahadlaan, taageeraanna dadaallada ku aaddan dib-u-heshiisiinta. Waxaan ugu baaqayaa oday dhaqmeedyada, siyaasiyiinta iyo dhammaan dadka ay arrintu khusayso inay wax-qabadkooda ku saleeyaan dib-u-heshiisiin iyo hab wax dhisayo,” ayuu yiri danjire Kay.
Danjiraha oo sii hadlay ayaa yiri: “Sidaa darted waa in uusan qofna qaadin tallaabo wax u dhimaysa geeddi-socodka nabadda iyo habka lagu dhisayo dowladnimada. Waxaan garwaaq-sanahay baahida loo qabo inay si dhaqso leh ugu kulmaan magaalada Baydhabo dhammaan dhinacyadda ay arrintu khusayso si wax looga qabto dareenka dhabta ah ee jira iyo rabitaanka dhinacyada oo dhan.”
Ugu dambeyn, ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya wuxuu sheegay in UNSOM ay si dhow ula shaqaynayso dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso, dowladda federaalka, IGAD iyo qaybaha kale si loo xoojiyo wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta.
Hadalka ergaya ayaa imaanaya iyadoo shalay ay magaalada Baydhabo ka dhaceen dibadbax iyo isku dhac dhexmaray ciidamada AMISOM iyo shacabka degmadaas, kaddib markii hakad la geliyay shirka lagu dhisayo maamul ay lix gobo loo Koonfurta Soomaaliya ku midoobayaan.