Madaxweynaha Jamhuuriyadad Federaalka Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa maalinimadii shalay
gaaray maagalada Bruselles ee xarunta dalka Belgium-ka, kaddib markii ay ka soo kicitimeen magaalada Addis-Ababa oo ay kaga soo qaybgaleen shir-madaxeedkii Midowga Afrika ee halkaasi lagu qabtay.
Madaxweynaha oo ay xubnaha safarkiisa ku weheliya ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha dibedda, wasiiru-dowlaha madaxtooyada iyo xildhibaano iyo xildhibaano ayaa waxa halkaasi si weyn ugu soo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda Belgium iyo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Marwo Fowsiya Yuusuf X. Aadan oo ah ku-xigeenka ra'iisul-wasaaraha, ahna wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegtay in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay muddo laba cisho ah booqasho ku joogi doonaan dalkaasi Belgium, ayna la kulmi doonaan madax ka tirsan dalkaasi iyo Midowga Yurub.
Booqashada madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxa ay la xiriirtaa dadaallo dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ku xoojiso xiriirka ay la leedahay waddamada caalamka si dowladdu ay u hesho ictiraaf siyaasadeed iyo in laga kaalmeeyo dhinacyada dhaqaalaha iyo ammaanka.