Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji oo magaalada London kula kulantay dhiggeeda dalka Ingiriiska


Ku-xigeenka ra'iisul-wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka arrimaha ee dalka Britain Mr. William Heague ayaa maanta ku kulmay magaalada London ee dalkaasi Ingiriiska.

Kulankan dhexmaray labada Wasiir Arrimo dibadeedyada Soomaaliya iyo Britain ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ku leedahay magaalada London waxaana labada Wasiir ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loosii xoojin lahaa.

Shirjaraa’id oo ay wadajir u qabteen labada Wasiir ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Ingiriiska Wiliam Heague oo isagu tilmaamay inuu aad ugu farax sanyihiin kulanka uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxaana uu intaasi ku daray iney kulankooda uga hadleen amba qaadida xiriir adag oo labada dowladood dhexmara iyo in ay Dowladda Britain taageerro dhab ah la garab taagantahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“runtii aadbaan ugu faraxsanahay kulanka aan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, dhab ahaantii Dowladda Britain aad ayey u daneyneysaa Arrimaha Soomaaliya waayo waxaad ogtihiin in wafdi aan hogaaminayo oo ka socda Dowladda Britain aan tagnay magaalada Muqdisho,waxaa inaga go’an inaan si dhab ah Soomaaliya u taageerno Dowlad iyo shacab”ayuu ku yiri shirkiisa Jaraa’id Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Britain Wiliam Heague.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo iyaduna shirka jaraa’id ka hadashay ayaa tilmaantay in ay isku afgarteen iney Dowladda Britain sii wado taageerrada ay siineyso Soomaaliya iyo socdaal uu dhowaan Dalka Britain ku tagi doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxyaabaha ay shirkooda jaraa’id uga hadleen labada Wasiir waxaa ka mid ah shir ay Dowladda Ingiriiska bisha May marti gelin doonto kaasi oo looga hadli doono isbedelka cusub ee ay Soomaaliya gashay kaasi oo ay ka qeybgeli doonaan madax ka kala socota dalal dhowr ah oo caalamka kuwaasi oo Soomaaliya daneeya.

Waa socdaalkii ugu horeeyey ee ay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ku tagtay dalka Ingiriiska tan iyo intii xilkan Wasiirka Arrimaha Dibadda loo magacaabay.


Add New Comment