Qarax maanta ka dhacay meel ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya


Qarax uu fuliyey qof isa soo miidaamiyey ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, qaraxaas ayaana geeystay dhimashada laba qof oo uu midkood yahay qofkii fuliyey iyo dhaawaca saddex qofood oo kale.

Ninka qaraxa fuliyey ayaa waxa lagu sheegay in uu xirnaa suun ay ku xiran yihiin walxaha qarxa, wuxuuna ninkaasi isku dayey in uu gudaha u galo xarunta madaxtooyada, markii ay u suurta geli weysayna uu abbaaray dhanka hoyga ra'iisul-wasaarah Soomaaliya, halkaasoo uu isku qarxiyey isaga oo aan gaarin halkii uu dhibaatada la damacsanaa.

Wasiirka warfaafinta ee Jamhuuriyadda F. Soomaaliya mudane Cabdullaahi Ciilmooge oo qarax kaddib warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ninka is miidaamiyey uu horey uga tirsanaan jiray ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo in aysan cidina sheegan mas'uuliyadda falkaasi, hase ahaatee Xarakada Al-Shabaab ayaa goor dambe oo maanta ah sheegay in ay ayagu ka dambeeyeen qaraxii maanta.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyey ka nasatay qaraxyada iyo dilalkii faraha badnaa ee ka dhici jiray, kaddib markii ay ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay maalmahan dambe wadeen howlgallo isdabajoog ah oo ay dad fara badani ku soo qabqabteen, kuwaasoo qaar fara badan oo ka mid ah lagu eedeeyey in ay ka tirsanaayeen Xarakada Al-Shabaab.

Add New Comment