Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta ka amba baxay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka 22aad ee hogaamiyeyasha Midiwga Afrika ay ku yeelanayaan magaalada Addis Ababa ee xarunta u ah Midowga Afrika.
Shirka oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxa uu maalinta berito ah ka furmayaa xarunta Midowga Afrika ee dalka Ehiopia, iyadoo maanta gelinka dambe halkaasi lagu soo gabo gabeyn doono shirka wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka Midowga Afrika oo shalay halkaasi kurmay, kaasi oo gogol xaar ah kulanka berri hogaamiyeyaasha iyo madaxda Midowga Afrika uga furmaya magaalada Addis Ababa.
Shirka waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimo badan oo ku saabsan Qaaradda Afrika, gaar ahaan dhanka waxsoo saarka beeraha.