Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka oo sheegatay duqeyn shalay ka dhacday koonfurta Soomaaliya


Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaradaheeda nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano (drones) ay fuliyeen weerar ay gelinkii dambe ee shalay lala beegsaday laguna qaarijiyey sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Mas'uul ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa warbaahinta u caddeeyey in diyaaradahooda darones-ka ay fuliyeen weerarka shalay dhacay, kaasoo uu sheegay in ay ku bar-tilmaameedsadeen sarkaal sare oo ka mid ahaa saraakiisha Xarakada Al-Shabaab.

Sarkaalkaa ka tirsanaa Shabaab oo lagu magacaabi jiray Sahal Isku-Dhuuq (Camuu) ayaa waxa weerarka lagu fuliyey xilli uu saarnaa gaari uu ku safrayey oo dhex marayey degaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee dalka Soomaaliya.

Sahal Isku-Dhuuq ayaa waxa lagu sheegay in uu ahaa madaxii xarakada u qaabilsanaa arrimaha caafimaadka, isla markaana ahaa shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhowdhowaa hoggaamiyaha ururka Al-Shabaab Godane.

Weerrarda noocaan oo kale ah ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyey lala beegsanayey shaqsiyaadka sare ee hoggaanka u ah xarakada Al-Shabaab, ayadoo kii ugu dambeeyeyna lagu qaarijiyey sarkaal lagu magacaabi jiray Anta Anta.





Add New Comment