Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya
Augustin Mahiga ayaa ugu baaqay dowladaha caalamka in ay bixiyaan dhaqaalo lagu
dhiso Ciidamada dowaldda Soomaaliya si ay Ammaanka dalka ugala wareegaan
Ciidamada shisheeye ee ku sugan.
Ambasador Mahiiga ayaa sheegay isagoo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee
Xarunta dalka Ethiopia oo uu uga qeyb galayo shirka Midowga Africa in dowladda
Soomaaliya ay hormaro la taabankaro sameysay sidaasi darteedna caalamka looga
baahanyahay in ay taageeraan.
“Hadii Ciidamada AMISOM iyo Ethiopia ay ka baxaan Soomaaliya, waa in la helaa
cid la wareeegta Amaanaka dalka marka caalamka waxaa looga baahanyahay in la
taageero Soomaaliya lana bixiyo dhaqaalo ciidamada dib loogu dhiso.” sidaasi
waxaa sheegay Mahiga
Augustin Mahiiga ayaa ugu danbeyn sheegay in dowladda Soomaaliya aya hada
wado dadaallo ku aadan sugida Amaanka iyo dib u dhiska ciidamada qalabka Sida
waxaana uu xusay in sidaasi darted lagama maarmaan ay tahay in la taageero
dowladda Soomaaliaya.