Xulka Qaran wiilasha kubadda Koleyga ee Soomaaliya ayaa u soo gudbay semi-finalka koobka Qaramada Afrika ee kubadda koleyga, kaddib markii ay xalay ka badiyeen kooxdii ka socotay dalka Burundi oo ay ugu tabar sheegteen 98 dhibcood, halka kooxdii Burundina ay keentay 80 dhibcood.
Cayaaraha is-reeb reebka koobka qaramada Afrika ayaa waxa uu hadda ka socdaa magaalada Dar-es-salam ee waddanka Tanzania, halkaasoo kooxda Soomaaliyeed ay horey ugula soo cayaartay kooxdii ka socotay dalka Kenya, kuwaasoo ayaguna ay ka soo badiyeen oo ay iskula jireen group B.
Cayaarta semi-finalka ah ee soo socota ayey xulka qaranku la yeelan doonaan cayaartooyda ka socota dalka Rwanda, taasoo ayadana la rajeynayo in xulkeenu uu marsiin doono waddadii uu mariyey labadii kooxood ee ka horreysay ee Kenya iyo Burundi.
Guulaha is daba-joogga ah ee ay soo hooyeen xulka qaranka dalkeenna ayaa
waxa ay rajo wanaagsan gelisay dadka Soomaaliyeed, kuwaasoo hadda
dareensan inayba suurta gal taha in ciyaartooyda Soomaaliya ayba ku
guuleysan karaan horyaalnimada qaaradda Afrika ee kubadda koleyga.